About the Book

A collection of short fictional stories written by Faarax.

Book Synopsis

Ma jiraan dhacdooyin iyo waayo aragnimo ku soo maray nolosha oo aan marna maskaxdaada ka suulin; Safar dheer oo aan xusuustiisu weligii kaa guurin, dareen gaar ahna kugu reebay. Welwel nolosha iyo mustaqbalka, dakharada waayaha iyo duruufaha waqtiga, macalinkaagii dugsiga ee aad jeclayd, dal barasho iyo dalxiis dhulkaaaga oo xiiso iyo kalgacal kugu abuura... Intaa iyo in kaleba waxad ugu tegaysaa buuggan Mar La Arag.

Review Quotes

"Buuggan sheekooyinka gaagaaban ahi, magaca loo bixayey ee " Mar La Arag, siyaabo badan buu mar la arag u yahay. Buuggan sidkiisa iyo qaabkiisuba waa wax gaar u ah. Afsoomaali sugan iyo skeekooyinka hab taxanahooduba waa mar la arag. Qoraaga aad baan ugu hambalyaynayaa dedaalka meel marka ah."
- Saciid Saalax Axmed (Bare sare)

"Buuggan Mar laArag oo ka kooban sheekooyin hal abuur ah oo ka turjumaya dhacdooyin dhab ah, waxa loo soo gudbiyey hab suugaaneed tiraab ah oo murtiyaysan si aad u qurux badana la isugu dubariday."
- Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur (Qoraa, Bare Afsoomaali)

"Sheekooyin gaagaaban, kala midab ah, casharro murti leh xanbaarsan, maaweelin nafaxaad leh iyo Af-Somaali wanaag aan marna aqriskooda laga xiise beelayn, ayaad kula kulmaysaa buuggan 'Mar La Arag'. Fanka sheeka-curinta iyo dhadhansigeeda ayaa ka muuqata Qoraaga Faarax Xuseen inu si weyn ugu kuurgalay hannaanka loo raaco."
- Siciid Jaamac Xuseen (Qoraa)

"Mar la arag waxaa ku kulmay qoraal tayeysan iyo sheekooyin casri ah oo runtii tebin mudan. In badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa iska dhex arki kara waayahan xusan."
- Saynab Aadan Sharci

Price Archive shows prices from various stores, lets you see history and find the cheapest. There is no actual sale on the website. For all support, inquiry and suggestion messagescommunication@pricearchive.us