About the Book

"Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah aqoonyahan cilmibaarista Soomaalida aad loogu yaqaan, wuxuu buuggan kaga hadlayaa mawduucyo saddex qaybood loo kooxayn karo: 1) Taariikhdii hore ee Soomaalida, taariikhda af-Soomaaliga iyo afafka ay bahwadaagta yihiin" Axmed Faarax Cali "Idaajaa" (Qoraa, Abwaan, bare Af Soomaali)

Book Synopsis

"This book is one outcome of the research which Prof. Abdalla, who has thought deeply about Somali language and society, has undertaken for a long time. What is more is the way he shows us in the book the importance of the relationship between language, society and history. This book is a new source which people concerned with Somali studies need to read and think about."
- Dr Martin Orwin,
(Faculty of Languages and Cultures, SOAS University of London)

Ulajeeddada buuggani ma aha keliya in aan wax laga qoro taariikhda Soomaaliyeed, maadaama ay jiraan aqoonyahanno badan oo tixgelin mudan ay buuggan hortiis isku taxallujiyeen taariikhda Soomaaliyeed, laakiin ulajeeddooyinka ugu weyni waa labo: in wax laga ifiyo taariikhdii hore ee Soomaaliyeed oo laga eegayo dhanka cilmi-afeedka iyo dhaqanka, iyo in si cilmiyeysan loo falanqeeyo habka ay u dhisanyihiin qabaa'ilka Soomaaliyeed iyo abtirsigooda, si loo muujiyo in ayna sax wada ahayn sida dhaqan ahaan loo arko nidaamka uu tolku u samaysanyahay.

Sida aad u arki doontid, qabiil kasta oo ka tiirsan qabaa'ilka Soomaaliyeed wuxuu ka koobanyahay dad u dhashay iyo dad aan u dhalan oo isku milmay, kuwaasoo, si looga gudbo noloshii adkayd ee miyiga, dantu ku khasabtay inay isbahaystaan, gaar ahaan Soomaalida geela dhaqata haba ugu badnaatee. Waxaan ognahay in geelu uu yahay duunyada sida aadka ah looga jecelyahay Soomaalida dhexdeeda, maxaayeeley isagaa ugu nacfi iyo adkaysiba badan xoolaha, degaanka oomanaha ah. Taasina waxay keentay in layska dhaco, laguna dagaallamo.

Sidaa darteed lagama maarmaan ayay ahayd, inta aan dawlad la helin, in qofku ku tiirsanaado tol, ha u dhasho tolkaas ama ha sheegto, si naftiisa iyo xoolihiisu ay u badbaadaan. Oraahdan caanka ah ayaan ka dheehan karnaa arrintaas "Ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow" (yacnii, haddaadan cudud lahayn qabiil xoog leh ku tiirsanow).

Qoraaga oo soo bandhigayaa cilmibaaris uu waqti badan u huray, oo ka jawaabeysa su'aalo Soomaali badan maankooda ku wareegaaya, wuxuu qoraalkiisa si cilmiyaysan ku salalaynayaa qaybaha dhaqanka Soomaalida: afka iyo lahjadihiisa, maansada, sheekooyinka hiddaha, maahmaahda, abtirsiga, iwm.

Review Quotes

"Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah aqoonyahan cilmibaarista Soomaalida aad loogu yaqaan, wuxuu buuggan kaga hadlayaa mawduucyo saddex qaybood loo kooxayn karo: 1) Taariikhdii hore ee Soomaalida, taariikhda af-Soomaaliga iyo afafka ay bahwadaagta yihiin, haraagii dhaqan diimeedkii hore, xiriirkii ay Soomaalidu la lahayd xadaaradihii hore ee Bariga Dhexe. 2) Taariikhda fidintaanka Islaamka. 3) Taariikhda bulshada Soomaaliyeed oo uu qoraagu si gaar ah ugu lafagurayo dabeecadda tolka Soomaaliyeed iyo sida uu ku samaysmo. Wuxuu ku doodayaa in dhiig iyo dhalasho keliya aanu qabiilku ku samaysmine, uu isbahaysina ku abuurmo. Wuxuu kaloo ka faalloonayaa qabyaaladda siyaasadaysan, sababaha ay u jirto iyo siyaalaha maamulka dalka iyo dawladnimada lagaga bedbaadin karo. Qoraaga oo soo bandhigayaa cilmibaaris uu waqti badan u huray, oo ka jawaabeysa su'aalo Soomaali badan maankooda ku wareegaaya, wuxuu qoraalkiisa si cilmiyaysan ku salalaynayaa qaybaha dhaqanka Soomaalida: afka iyo lahjadihiisa, maansada, sheekooyinka hiddaha, maahmaahda, abtirsiga, iwm" - Axmed Faarax Cali "Idaajaa" (Qoraa, Abwaan, bare Af Soomaali) "Bare Sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ah buuni afeed, waxaynu uga barannay qoraallo waxtar u leh barashada Afka Soomaaliga. Buugga kan ku magcaaban "Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed"waa mid wax ku soo kordhinaya taariikhda dheer iyo tan dhaw ee Afka Soomaaliyeed, quruunta ku hadasha, miladdeeda, dhaqankeeda iyo ahaanteeda ummadnimo. Haddii ay ahaan jirtey 'run sheeg, maanta waa run qor, cid kuu marag furta ma waayayside. Qoraal marag leh iyo hilib mindi leh, midna laguma mergado." - Saciid Saalax Axmed (Qoraa, Abwaan, bare Af Soomaali) "Buuggan oo uu qoray muftiga cilmi-afeedka iyo cilmiyaynta af Soomaaliga, Prof. Cabdalla Mansuur, waa waxqabad dhaxalgal ah oo cilmibaarista taariikhda Soomaalida ku soo kordhinaya aqoon ugub ah iyo xog qaali ah oo an laga heli Karin meel kale. Habka cilmiyaysan iyo dhumucda ay leedahay xogta buuggani ka bixinayo taariikhda bulshada Soomaaliyeed iyo afkeeda waa mid gaarsiisan heer ka tarjumaya xeeldheerenimada qoraha." - Dr. Maxamed Daahir Afrax (Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga AGA) "Buuggan waa natiijo ka mid ah baaritaanka uu muddo dheer ku hawlsanaa Prof. Cabdalla oo si qoto dheer uga fekeray afka Soomaalida iyo bulshadoodaba. Waxana dheeraad ah sida uu buuggan inagu tuso muhiimadda xiriirka u dhexeeya afka, bulshada iyo taariikhdaba. Buuggani waa il cusub oo dadka khuseeya diraasaadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin inay akhriyaan oo ay ka fekeraan." - Dr. Martin Orwin (Bare Af Soomaali ee Jaamacadda SOAS) "Haddii aad jeceshahay afka, dhaqanka iyo sooyaalka soomaaliyeed, buuggan wuu ku cajibin doonaa, ku xiisagelin doonaa aragti ballaaranna ku siin doonaa." - Cabdiraxman Maxamed Abtidoon (Qoraa iyo Cilmibaare Afeed) "Waa buug soo baxay xilligii loo baahnaa, xilli Soomaali afarta jaho ka kala dhacday, su'aalaha ahaanshuhuna batay." - Saynab Aadan Sharci (Qoraa iyo bare Af Soomaali)

Price Archive shows prices from various stores, lets you see history and find the cheapest. There is no actual sale on the website. For all support, inquiry and suggestion messagescommunication@pricearchive.us